Warar naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay afarta gees ee magaaladaasi.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay suuq lagu iibiyo hilibka oo ku yaalla xaafadda Indho-ceel ee degmada Buuloburde.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Mudug24 u sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, isla-markaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta, waxaana haatan socda gurmad deg deg ah.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo iyaguna howlgallo ka bilaabay halkaasi.
Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan abaabulka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa indhowaanahaan weeraro ku heysay shacabka gobolka Hiiraan, waxayna aheyd maalmo kahor markii weerar is-miidaamin ay ka fuliyeen Beledweyne.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay