Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Mushaarka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Bishaan loo wareejiyay Ciidamada...

War Deg Deg ah:Mushaarka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Bishaan loo wareejiyay Ciidamada Dagaalka kula Jira Alshabaab

0

kulanka Todobaad lah ahaa ee golaha wasiirada Soomaaliya ay yeshaan Maalinta Khamiista ayaa Maantay waxaa lagu gaaray Go,aano Xasaasi ah kulankaan oo shirgudoominaayay Raysulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa waxaa Golaha wasiirada Soomaaliya Isku Raaceen in Mushaarka Goloaha Wasiirada Soomaaliya Bishaan loogu Deeqo Ciidamada Qalabka sida iyo Macawislayda Dagaalka Qaraar kula jirta Alshabaab.

waxaana Sidaas goordhow Saxaafada La wadaagay Afhayeenka Xukuumada Mudanr Farxaan jimcaale oo Shaaciyay Qodobada ay isku raaceen Golaha wasiirada Soomaaliya Qodobka ugu Xasaasin ayaana ahaa in Ciidamada Dowlada iyo macawislayda  Bishaan lagu Tageero Mushaarka Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Waana Markii Ugu Horaysay oo ay Goalaha wasiiro Soomaaliyeed Halmar Mushaarkooda ugu deeqaan Ciidamada Qaranka iyo Kuwa Deegaanka ee Alshabaab La dagalaamaaya .

Alshabaab ayaana Wajahaaya Dagaalo Culus oo kaga imanaaya Ciidamada Dowlada iyo Kuwa deegaanka oo isgarabsanaaya Dhulbadan yaana Alshabaab laga saaray Mudo ku dhow Sanad Dhulkaas oo ka Tirsanaa Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele.

 

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dib u Qabsatay Deegaanka CeelCade ee Gobalka Hiiraan
Next articleHogaamiyihii Guud ee Ahlusuna Waljamaaca oo Gaaray Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here