Home Wararka Somaliya Somaliland WAR DEG DEG AH:Dowladda UK oo taageerada kala laabtay Somaliland kadib dagaalka...

WAR DEG DEG AH:Dowladda UK oo taageerada kala laabtay Somaliland kadib dagaalka Laascaanood

0

Dowladda Boqortooyada UK ayaa ku dhawaaqday go’aan lama filaan oo saameynaya ciidamada Somaliland oo haatan wajaheyso xiisada culus iyo kacdoon ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Uk ayaa ku dhowaaqday inay hakisay lacagihii ay ku taakuleyn jirtay ciidamada Somaliland, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiis ay Britain ku leedahay magaalada Hargeysa.

Warkan qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in go’aankan dhaqaalaha looga jarayo Somaliland oo dhaqangeli doono 31-ka Bishan March lagu gaaray London.

Dowladda Britian ayaa sidoo kale xustay inay qiimeyn ku sameyn doonto doonta maal-gelinta dhinaca amniga iyo hay’addaha garsoorka, iyadoo la eegayo waxa u qabsoomay  Somaliland muddadii la caawinayay.

Waxaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay muhiimad gaar ah siin doonto arrimaha bini’aadannimada, ayna taageeradooda u weeci doonaan dhankaas.

Dhinaca kae Boqortooyada ayaa si adag uga hadashay xaaladda adag ee Laascanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay dagaallo ku dhex-mareen Somaliland iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in tallaabooyinka noocas oo kale ah ay wiiqeyso kalsoonida ay shacabka ku qabaan hoggaanka sare ee maamulka Somaliland.

Tallaabada ay qaaday Uk ee saameyneysa ciidanka Somaliland ayaa kusoo aadayo, xilli adag, isla-markaana xukuumadda Hargeysa ay wajaheyso xaalado is-biirsaday.

Si kastaba, Somaliland oo caa ku aheyd nabadda 30 kii sano ee lasoo dhaafay ayaa haatan cambaareyn xoogan iyo dhaleeceen kala kulantay caalamka, kadib dagaalka Laascaanood.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo AMIIR KA DOWLADA QATAR layeeshay Kulan Mira Dhal ah(Sawiro)
Next articleNin booliis ah oo dilay haweeney uu saaxiib la ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here