Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH:Dowlada Soomaaliya oo Dhaacisay Inay Toogasho ku Dishay Horjooge...

WAR DEG DEG AH:Dowlada Soomaaliya oo Dhaacisay Inay Toogasho ku Dishay Horjooge Cali Raaxo

0

Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa toogtay Horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa baada iyo qalqal galinta ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Ninkaas ayaa lagu toogtay duleedka degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Horjoogahaan oo lagu magacaabi jiray Cali Raaxo ayaa Khawaarijta wakiil uga ahaa inuu si dhuumaaleysi ah ganacsatada iyo shacabka Muqdisho lacago baad ah uga qaado, isagoo telfoon ugu soo hanjabaya dadka magaalada.

Meelaha uu dadka ugu yeeri jiray sida dhuumaalysiga ah waxaa ka mid ah deegaannada Garas-gawaan, Gandarshe, Ceelasha Biyaha Lafoole ilaa Galka Saalimow.

Ciidanka ammaanka oo mudo dheer uruurinayey xogta dhagarqabahaan ayaa ku raadjoogay, waxaana ugu danbayn shartiisa la dhaafiyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho, kuwaas oo khatar weyn uu ku ahaa hantidooda iyo naftooda.

Danbiile Cali Raaxo wuxuu Khawaarijta ka mid noqday sanadkii 2014-kii, wuxuuna ilaa markaas uu khawaarijta u qaabilsanaa baada hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo basaasida dadka macnaha u leh bulshada, si ay u bartilmaameedsadaan Khawaarijta.

Ad
Previous articleP.m Xamza oo amar cusub kusoo rogay wasiiradda DF kahor wejiga labaad ee dagaalka
Next articleMuseveni oo xog yaab leh ka bixiyey weerarkii lagu laayey ciidankiisa ee Buulo-Mareer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here