Home Wararka Maanta Museveni oo xog yaab leh ka bixiyey weerarkii lagu laayey ciidankiisa ee...

Museveni oo xog yaab leh ka bixiyey weerarkii lagu laayey ciidankiisa ee Buulo-Mareer

0

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa weerarkii lagu laayey ciidamadiisa ee ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ku sheegay inay sabab u aheyd musuq-maasuq.

Museveni ayaa sheegay in ciidamo aan si wanaagsan loogu tababarin howlgallada dagaalka lagu geeyey Soomaaliya hab musuq-maasuq ah.

Weerarka ayaan illaa iyo hadda aysan caddeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhasha, balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa gaarsiinaya khasaaraha dhimashada illaa 140 askari, ayada oo dhowr kalena ay u gacan galeen Al-Shabaab.

“Dhibaato ayaa ka dhacday Soomaaliya. Ciidamadeena shalay ayey dib ugu laabteen halkii lagu weeraray ee inta ay argagaxeen ee ay ka carareen,” ayuu yiri Museveni.

“Argagixisadii waa ay carareen, waxaana hadda heleynaa xaqiiq dheeri ah oo ku saabsan waxa uu khaladku ahaa. Khaladka wuxuu dhabtii ahaa musuq-maasuq, balse faah-faahin ayaa soo bixi doonta,” ayuu yiri madaxweynaha.

Museveni ayaa sheegay in laba sarkaal oo sare oo ka mid ah taliska ciidamada ay sababeen dhibaatada.

“Waan heli doonnaa aqoonsiga kuwaas. Balse mid ka mid ah waxaa lagu magacaabaa Okia, oo ku sugnaa xarunta ciidanka ee Kampala. Waa midka askarta u sheegay inay cararaan. Marka waa xiran yahay,” ayuu yiri Museveni.

Weerarka ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan tayada taliska ciidamada Uganda ee Soomaaliya.

Muuqaalo ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo muujinaya askar naftooda la cararaya iyo kuwa nolosha lagu qabtay ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalka Uganda.

Museveni ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamada aysan u howlgelin sidii la filayey ayna argagaxeen, taasi oo ka dhex dhalisay kala yaac, ayna ka faa’iideysteen Al-Shabaab.

Waxa uu dhaliilay habka loo xulay ciidanka Uganda ee la geeyey Soomaaliya, isaga oo sheegay in qaar cunooyinka kariya iyo kuwo ilaalo shaqsiyaad ah ay loo ekeysiiyey dagaal-yahano.

“Qaar ka mid ah saraakiisha abaabulka, ayaa magacyada ilaaladooda, kaaliyayaashooda iyo cunto kariyayaashooda ka dhigay dagaal-yahano oo u qaaday Soomaaliya,” ayuu yiri Museveni.

Hadalka Museveni ayaa waxaa laga fahmi karaa in Soomaaliya ay askarta u tahay fursad qaali ah oo kumanaan dollar ay ku sameyn karaan muddada ay joogaan, taasi oo keentay in la musuq-maasuqo habka ciidanka loo keeno.

Waxaa hadda Soomaaliya ku sugan taliyaha ciidanka lugta ee Uganda Jeneral Kayanja Muhanga oo baaraya weerarkii lagu laayey ciidanka Uganda.
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Dowlada Soomaaliya oo Dhaacisay Inay Toogasho ku Dishay Horjooge Cali Raaxo
Next articleKabakutukade oo Sheegay in loo shirqoolay Ciidamadii lagu Soo Tababaray Eroteriya ayuguna ay Massagawaa Ku laayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here