Home Wararka Maanta War Deg Deg ah:Dhul-gariir ay dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay...

War Deg Deg ah:Dhul-gariir ay dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay dalka…

0

In ka badan 150 qof ayaa ku dhintay dhulgariir ku dhuftay galbeedka Nepal Jimcihii.

Ciidamada ammaanka ayaa la geeyay goobaha uu ka dhacay si ay gacan uga geystaan ​​dadaallada lagu samatabixinayo degmooyinka qallafsan ee Jajarkot iyo Galbeedka Rukum, oo 500km (310 mayl) dhanka galbeed kaga beegan Kathmandu.

Gariir xooggan ayaa laga dareemay meelo fog fog caasimadda Nepal iyo magaalooyin ku yaal dalka deriska la ah Hindiya oo ay ku jirto maagaalada Delhi.

Afhayeenka ciidamada ayaa sheegay in in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen. Isbitaalka Jajarkot ayaa waxaa buux dhaafiyay dhaawacyada.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo duqeysay guriga hogaamiyaha Xamaas
Next articleDegmooyin Cusub oo kusoo Biiray Hirshabeele oo Maantay La Ansixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here