Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Degmooyin Cusub oo kusoo Biiray Hirshabeele oo Maantay La Ansixiyay

Degmooyin Cusub oo kusoo Biiray Hirshabeele oo Maantay La Ansixiyay

0

Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo Qorsheyaasha howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab, Warbixinta roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Hirshabeelle iyo halista fatahaadaha iyo dabeylaha elnino, Dardargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee caasimada iyo kan Magaalooyinka Hirshabeelle isagoo sheegay in deegaanada qaar ay ka socdaan abaabul shacab, oo dadka deegaanka isaga xoreynayaan cadowga khawaarijta ah ee alshabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa warbixin guud oo ku saabsan dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka la wadaagay golaha wasiirada, iyadoo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ay Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin cusub loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah,

2 -Alkowsar
3- Ceelcali
4-Jawiil
5-Halgan
6- Jiliyaale

Golaha Xukuumadda oo dood dheer ka yeeshay degmooyinkaan cusub ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku meelmariyay.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynyta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ayaa faahfaahin ka bixisay roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka danyarta ah, Wasiirka Gargaarka ayaa dhanka kale sheegtay in gudiga gurmadka fatahaadaha uu kormeer iyo qiimeyn kusoo sameyn doono deegaanada laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga shabeeelle.

Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda, iyo Garsoorka Dowladda Hirshabeelle.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Dhul-gariir ay dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay dalka…
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii Ka Dhacay Jowhar iyo Khasaaraha Ka Dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here