Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada...

War Deg Deg ah: Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan ooAlshabaabnimo loo haystay oo la Riday

0

Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan oo oo Alshabaabnimo loo haystay oo goordhow lagu Dhawaaqay

1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Alshabaab Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha.

Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Alshabaab Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Alshabaab u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Alshabaab Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay ka taageri jirtay Alshabaab baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.

Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ad
Previous articleHoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo oo ka Hadlay Xaalada Cakiran ee Puntland
Next articleAskar Dagaalkii Buula Mareer Dartii looga saaray Ciidamanida Kadib Xukun lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here