Home Wararka Maanta Askar Dagaalkii Buula Mareer Dartii looga saaray Ciidamanida Kadib Xukun lagu Riday

Askar Dagaalkii Buula Mareer Dartii looga saaray Ciidamanida Kadib Xukun lagu Riday

0

Dowladda Ugand ayaa xukun ku ridday laba sarkaal oo kamid ah ciidamadeeda ka howlgalayay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo loo haystay eedeymo la xiriira weerarkii askarta badan looga dilay ee ka dhacay magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhacay 26-kii bishii May ee sanadkan.

Maxkamadda Ciidamada ee dalkaas oo muddooyinkii ku dambeeyay ku howlaneyd maxkamadeynta raggan oo ka socotay gudaha Soomaaliya ayaa xukuntay labadaan sarkaal oo lagu kala magacaabo Maj John Steven Oluka, oo 58 jir ah, iyo Maj Zadock Abor, oo 49 jir ah.

Labada nin ayaa waxaa lagu helay dambi la xiriira fulaynimo iyo inay sameeyeen dayacaad, waxaana lagu ciqaabay in laga eryo ciidamada.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay si xun u maareeyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidanka Uganda ee Buulomareer, halkaas oo askar badan lagu laayay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in labada sarkaal ay mas’uul ka ahaayeen saldhigga la weeraray, balse ay iska indha-tireen xog sirdoon oo sheegaysay inuu kusoo wajahahan yahay weerar, iyadoo markii uu dhacay weerarkana sameyn waayeen is-difaacid, taasoo sababtay in 57 askari lagu dilay goobta, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada ATIMIS.

Si kastaba, askarta Uganda ee la laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Ayada oo ay wehliyaan Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka ciidamada ku tabaruca howlgalka ATMIS ee dagaalka kula jira argagixisada Soomaaliya.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan ooAlshabaabnimo loo haystay oo la Riday
Next articleAnbiyo Maxamed Cali oo Si arxan u Dishay Laba Gabdhood oo Walaalo ahayd oo lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here