Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Safiirkii Somaaliya u Fadhiyay Itoobiya oo loo yeeray...

War Deg Deg ah: Safiirkii Somaaliya u Fadhiyay Itoobiya oo loo yeeray iyo Go,aano Qaraar oo lasoo Saaray

0

Golaha Wasiiradda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo goordhoweyd Muqdisho ku yeeshay shir deg deg ah oo aan caadi aheyn, ayaa qaraar xasaasiya kasoo saartay heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Afhayeenka xukuumadda oo warbaahinta la wadaagay go’aamada kasoo baxay shirkii aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirada, ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si deg deg ah ugu yeertay safiirkeeda Itoobiya.

“Ayada oo arrintaan laga jawaabayo waxay la tashi deg deg ah ugu yeeraysa safiirkeeda dalka Itoobiya,” ayaa lagu yiri qaraarka kasoo baxay Golaha Wasiirrada oo goordhoweyd shir deg deg ah ku yeeshay Muqdisho.

Qaraarka xukuumadda ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya heshiiska ay shalay Addis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay si adag u diidaysa oo si cad uga horjeeda tallabada guracan ee Itoobiya ku sheegtay inay si sharci darro ah ay heshiis is-afgarad kula gashay maamulka Somaliland, gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda oo warbaahinta la wadaagay qaraarka kasoo baxay Golaha Wasiirrada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadan ku tilmaamtay mid gardaro ah oo halis galineysa daris wanaaga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka, “Waxay xad-gudub iyo fara-gelin qaawan ku tahay madax-banaanida, gobonimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Sidoo kale Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siisay Itoobiya. Sidoo kale waxay ka dalbatay Golaha Amaanka ee QM, Midowga Afrika, IGAD, Ururka Jaamacada Carabta iyo saaxiibada kale ee daneeya xasilloonida gobolka iyo caalamka inay Itoobiya ku cadaadiyaan inay kusoo noqoto xayndaabka caalamiga ah.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka dalbaneysa Golaha Ammaanka QM iyo Ururka Midowga Afrika inay qabtaan kulamo deg deg ah oo looga arrinsanayo xad-gudubka iyo fara-gelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalkeena Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday is-afgarad (Momentum of Understanding) taariikhi ah, oo ah mid iskaashi iyo wada-shaqeyn labada dhinac ah.

“Is-afgaradkaasi ayaa u gogol xaari doonaa ka dhabeynta hamiga Itoobiya ee ku aaddan xaqiijinta inay marin u hesho badda iyo kordhinta dekedaha kala duwan. Is-fagaradka waxa kale uu xoojinayaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.”

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay “kiro”.

Sidoo kale wuxuu markaas sheegay in is-afgaradka uu dan u yahay labada dhinacba, oo midba uu helayo waxa uu aadka ugu baahan yahay, oo ah in Somaliland ay hesho aqoonsi, Itoobiyana ay markii ugu horreyso hesho bad.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskaas, waxaana xusid mudan in Muuse Biixi uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh la saxiixday heshiis dhigaya in la bilaabo wada-hadallo, iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo caqabad ku keeni kara geedi socodka wada-hadallada labada dhinac.
Ad
Previous articleMaxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta ku dhowaaqday xukunka Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar oo Alshabaab uu Qaabilsanaa Qaraxyada
Next articleGudoomiye Cabdi Xaashi oo Si adag uga Hadlay Damaca Itoobiya ee Badeena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here