Home Wararka Maanta Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Si adag uga Hadlay Damaca Itoobiya ee Badeena

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Si adag uga Hadlay Damaca Itoobiya ee Badeena

0

Khudbadda guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ka hadlay kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay in kulankii dhowaan Soomaaliya iyo Somaliland ku dhex maray Jabuuti uu ahaa mid farxad geliyay Soomaalida, uuna ahaa mid keenay isu soo dhowaansho iyo wada hadal, balse “warkii shalay uu ahaa mid laga xumaado.”

“Dowlada itoobiya oo sida aan la socono weligeed iyo allaheedba raadineysay inay qyeb Soomaaliya ka mid ah ay hesho oo afar xukun oo isaga dmabeeyay, kii Menilik ilaa dowladdii Meles, ntuba waxay ku taamayeen inay qeyb Soomaaliya helaan, gaar ahaan bad bay aad u daneynayeen. Waxaan aad uga xumahay inaan maqlo Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa Addis Ababa ku yeeshay oo ah warka afar weerood oo af-amxaar ku qoran markaan shalay salaaddii maqrib tukaday kusoo dhacay telefoonkeyga.

“Afar weerood oo af-amxaar ku qoan, waan aqriyay, waxay igu noqotay mucjiso iyo la yaab, halkaas waxaa ku qorneyd, Itoobiya waxay heshay dekad ay yeelatay. Waxaan aad iyo ada uga xumaaday erayadii meesha ku qornaa, mid wuxuu ku leeyahay Itoobiya oo sanado badan dekad la’ayd dekad bey yeelatay, waa arrin aad iyo aad looga naxo, waxaa kale oo uu leeyahay Badda Cas waxaan ka helnay albaab ay horumarkeenna kaalin weyn ka qaadaneyso, kan afaraad wuxuu ahaa waxaa arrimaha hehsiis ku gaaray raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waa wax laga yaqyaqsoodo, waxaan leeyahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo shacabka reer Jabuuti raalli noqda, raalli ka ahaada dadaalkii aad sameyseen iyo halkaa waxa ka soo dhawaaqay ee aan la qaadan karin.” Waa qaar ka mid ah erayadii uu kulanka ka jeediyay Cabdi Guddoomiye Xaashi.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Safiirkii Somaaliya u Fadhiyay Itoobiya oo loo yeeray iyo Go,aano Qaraar oo lasoo Saaray
Next articleXasan Shiikh oo Banaanka Soo Dhiga Mowqifkiisa ku aadan Heshiiskii Shalay Dhexmaray Abiya Axmed iyo Muuse Biixi ee Badeena

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here