Kadib Shir Shalay ka dhacay Magaalada Adisababa ee Caasimada Dalka itoobiya kaas oo u dhaxeeyey Maamulka Puntland iyo Dowlada Itoobiya kuwaas oo yeeshay Xariir Toos ah taas oo ka caraysiisayay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
ayaa Shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha wasiirada Soomaaliya Waxaa lagu Go,aamiyay in la xiro Qunsulyadihii Itoobiya ee Garowe iyo Hargaysa Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa Qaarar Rasmi ah kusoo Saaray in Dalka laga Cayriyo Safiirka Itoobiya u Fadhiya Soomaaliya.
Talabadaan ayaa Kusoo aadaysa Xili Bilowgii Sanadkaan uu khilaaf Xoogan Ka dhex Qarxay itooobiya iyo Soomaaliya Kadib Markii Xariir Xaga Bada ah ay la yeesheen maamulka Soomaaliland kaas oo dowlada Soomaaliya ka Carootay ugu Danbayna Sababay in amaanka Badda Soomaaliya Lagu Wareejiyo Dowlada Turkiga.
Maamulka Puntland oo Khilaaf adag kala Dhaxeeyey Dowlada Soomaaliya ayaa Go,aansaday inuu Xariir Toos ah la samaysto Dowlada Itoobiya waana Talaabada Maantay Soo dadajisay in La cayriyo Safiikii Itoobiya u Fadhiyay Soomaaliya.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay