Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Mahad Salaad oo Xilka Laga Qaaday iyo Sanbaloolshe...

War Deg Deg ah: Mahad Salaad oo Xilka Laga Qaaday iyo Sanbaloolshe oo la Magacaabay

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Mahad Salaad oo maanta xilka ka degay ayaa u mahad celiyey madaxda qaranka, isagoo soo dhaweeyey magacaabidda agaasimaha cusub ee hey’adaas Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada ee Difaaca Degmada Wisil oo Mushaarkii laga Jartay iyo Halis ka Taagan Koonfurta Mudug
Next articleWar Deg Deg ah: Safiirkii Itoobiya oo Fadhiyay Soomaaliya oo Dalka laga Cayriyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here