Home Wararka Somaliya Galmudug Mahada Salaad oo Ee maantay Xilka Laga Qaaday Xagew ayuu ku Wajahan...

Mahada Salaad oo Ee maantay Xilka Laga Qaaday Xagew ayuu ku Wajahan yahay?

0

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulanloodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka sare ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee magaceeda loo soo gaabiyo (NISA).

Golaha ayaa kulankooda ku ansixiyay in Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu noqdo taliyaha hay’adda NISA, kaas oo markii saddexaad qabanayo xilkan.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulanka

Sanbaloolshe ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan, Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Ninkan ayaa beddelaya Mahad Salaad oo xilkan soo hayay tan iyo 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan, kaas oo horay u gudbiyay is casilaadiisa.

Mahad Salaad oo ka hadlay isbeddelka dhacay ayaa uga mahadeliyay ra’iisul wasaaraha iyo golihiisa, sida ay ula shaqeeyeen, wuxuuna sidoo kale u mahad-naqay madaxweynaha.

“Waxaan hambalyo u dirayaa taliyaha cusub Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo markale nasiib u yeeshay inuu maamulo hay’adda NISA” ayaa ku yiri qoraalkiisa.

Mahad Salaad ayaa hadda u hanqal taagaya hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Galmudug, isaga oo ka qayb-geli doono doorashada soo socota ee Galmudug.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Safiirkii Itoobiya oo Fadhiyay Soomaaliya oo Dalka laga Cayriyay
Next articleWax badan Ka Ogoow Qaraarkii Wadanka Looga Ceyriyay Safiirka Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here