Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Raysulwasaaraha Israail oo Xaalad adag Ku jira loolana...

WAR DEG DEG AH: Raysulwasaaraha Israail oo Xaalad adag Ku jira loolana Cararay Isbitaal

0

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la dhigay Isbitaal ka dib markii uu ku soo booday xanuun aan la garaneyn oo sababay madax wareer iyo fuuqbax.

Xafiiskiisa ayaa sheegay ineysan jirin xaalad laga walwalo, xaaladiisuna ay soo hagaageyso mana jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in awoodda laga wareejin karo.

73-jirkan oo ah hogaamiyihii ugu cimriga dheeraa ee Israa’iil, ayaa Jimcihii fasax ku joogay badda Galiil, xilligaasoo uu jiray kulayl daran sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Waxa la geeyey Isbitaalka Sheba oo ku yaalla magaalada Tel Hashomer, oo u dhow hoygiisa gaarka ah ee xeebta Kaysariya. Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay inuu miyir qabo uuno ku jiro qolka gargaarka degdegga ah.

Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in la seexiyay Isbitaalka ka dib markii uu sidaas ku taliyey dhaqtarkiisa gaarka ah dib markii uu ka cawday dawakhaad ama madax wareer.

Ilaa hadda ma cadda cidda bedeli karta Netanyahu haddii uu dhaco isbedel degdeg ah.

Markii Ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Ariel Sharon uu ku dhacay xanuunka istaroog 2006-dii, waxaa xilka kala wareegay ku xigeenkiisii Ehud Olmert..

“Waxaan u rajeynayaa ra’iisul wasaaraha soo kabasho buuxda iyo caafimaad wanaagsan,” ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka Yair Lapid, hogaamiyaha dhexe ee mucaaradka.

Horraantii bishii Oktoobar, Netanyahu ayaa xanuunsaday intii lagu jiray soonka Yuhuudda ee Yom Kippur, waxaana sidoo kale muddo kooban la dhigay isbitaal.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Qaraar oo Ka Socda Degaanka Budbdud ee Galmudug iyo Saraakiil Ku dhimatay
Next articleVilla Soomaaliya oo la Timid Qorshe Cajiib oo ku aadan Heshiiskii Golaha Wadatashi Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here