Home Wararka Maanta Villa Soomaaliya oo la Timid Qorshe Cajiib oo ku aadan Heshiiskii Golaha...

Villa Soomaaliya oo la Timid Qorshe Cajiib oo ku aadan Heshiiskii Golaha Wadatashi Qaran

0

Doonista Villa Somalia ee ku wajahan in heshiiskii madasha wadatashiga Qaran aan la horgeynin golaha shacabka, ee loo wareejiyo guddiga Dibu eegista Dastuurka ayaa ka hirgashay, ka dib markii ay maanta guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, Fadhi aan caadi aheyn ay ku go’aamiyeen in guddiga Dibu eegista loo diro, lagana baajiyo fadhiyada golaha shacabka.

6dii bishan, ayay Madaxtooyada Soomaaliya dhaqaale ku bixisay si doonisteeda meelmar u noqoto, 7dii bishana Aaden Madoobe ayaa magacaabay guddi 5 xubnood ah oo kasocda dhanka Villa Somalia oo kasoo tala-bixiya, kuwaas oo soo jeediyey in guddiga dibu eegista loo diro.

11-kii bishii lasoo dhaafay ee June, Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ka horyimi in Guddiga dibu eegista Dastuurka ay la wareegaan heshiisyadii madasha wadatashiga Qaran, oo ay sheegeen in ay ahayd talaabo aan sharci aheyn in guddiga lagu wareejiyo, laakiin isla hadda ugu dambeyn, waxay qaateen wareejintaas in ay sharci ahayd.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Raysulwasaaraha Israail oo Xaalad adag Ku jira loolana Cararay Isbitaal
Next articleShir Lagu Heshiisiinaayo Laba Beelood oo Dhawaan Ku Dagaalamay Galmudug oo Dhuusamareeb ka Furmay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here