Home Wararka Caalamka War Deg Deg Ah:- Raisul Wasaaraha UK Liz Truss oo iska Casishay...

War Deg Deg Ah:- Raisul Wasaaraha UK Liz Truss oo iska Casishay Xilkeeda

0

Ra’iisul wasaaraha Britain Liz Truss ayaa maanta sheegtay inay iska casileyso xilka ra’iisul wasaaraha Britain, ayada oo noqoneysa ra’iisul wasaarihii ugu muddada gaabnaa taariikhda Britain.

Truss ayaa waxaa la degay barnaamijkeeda dhaqaalaha, kaasi oo mowjado argagax ah u diray suuqyada dhaqaalaha, islamarkaana kala qeybiyey xisbiga Conservative-ka lix toddobaad un kadib markii xilka loo magacaabay.

Doorashada hoggaan cusub ayaa lagu soo geba-gebeyn doonaa toddobaad gudihiis.

Ayada oo ka hadleysa dibedda xafiiska 10 Downing Street, ayaa Truss waxay aqbashay inay awoodi weysay inay kasoo baxdo ballan-qaadyadii ay sameysay markii ay u tartameysay hoggaanka Conservative-ka, ayada oo lumisay aaminaadda xisbigeeda.

“Waxaan garowsanahay, ayada oo la eegayo xaaladda, inaan kasoo bixi waayey waajibaadkii uu ii doorta xisbiga Conservative-ka. Sidaas darteed waxaan la hadlay Boqorka kuna wargeliyey inaan iska casilayo hoggaanka Xisbiga Conservative-ka,” ayey tiri.

“Saaka waxaa la kulmay guddoomiyaha Guddiga 1922, Sir Graham Brady. Waxaan isku raacnay inay jiri doonto doorasho hoggaan cusub oo lagu dhameyn doonoo toddobaadka soo socda gudihiis. Tani waxay xaqiijin doontaa inaan ku taagnaano waddada aan kusoo gudbineyo qorshayaasheena dhaqaale kuna joogteyneyno xasilloonida dhaqaale iyo amniga qaranka dalkeena.”

Dhanka kale Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Xibsiga Shaqalaha (Labour-ka ) Keir Starmer ayaa dalbaday doorasho guud oo dalka ka dhacda hadda maadaama Xisbiga talada haya ay ku fashilmeen Hogaanka Dalka .

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleOdawaa Yusuf Raage oo kormeeray Degaan Dhawaan Alshabaab lagu laayay(Sawiro)
Next articleWAR DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya oo Saxiixday Heshiis Dowladii Farmaajo Laga Diiday oo Muran Badan Dhaliyay Xiligaas