Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Qaraxyo Culus oo Saakay ka Dhacay Degmada Maxaas...

WAR DEG DEG AH: Qaraxyo Culus oo Saakay ka Dhacay Degmada Maxaas oo Dhawaan Alshabaab laga Saaray

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugteeda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala beegsaday maqaaxi lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi, isla-markaana uu jiro burbur aad u xoogan.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay jirto dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qaraxyadaan oo ay durbo sheegteen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo Ku Macawislayda Hiiraan oo Alshabaab Ka saaray Deegaano Hor leh
Next articleWAR DEG DEG AH: Weerar Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Gaystay oo Goor Dhow Ka Dhacay Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here