Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada iyo Ku Macawislayda Hiiraan oo Alshabaab Ka saaray Deegaano Hor...

Ciidamada Dowlada iyo Ku Macawislayda Hiiraan oo Alshabaab Ka saaray Deegaano Hor leh

0

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawisley ayaa galabta weeraray degaan lagu magacaabo Buq-Goosaar oo ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne, halkaasoo ay gacanta ku hayeen dagaalyahano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa waxaa la isku adeegsaday hub kala duwan, waxaana lagu dilay dagaalkaas 13 ka tirsan Al-shabaab sida laga soo xigtay saraakiil ciidan iyo dadka degaanka.

Deegaanka Buq-Goosaar ayaa dagaalkaas ka dib waxaa si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xoogagga degaanka sida ay baahisay Idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Taliyaha Guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in meydadka 10 dagaalyahan iyo shan qori oo Ak-47 ah ay Al-Shabaab goobta uga carareen.

Weerarkii galabta ayaa la sheegay inuu bilow u yahay Howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab galbeedka gobolka Hiiraan oo haatan ku fidaya galbeedka gobolka Hiiraan, iyadoo inta badan degaanada bari ka xiga webiga Shabelle laga saaray Al-shabaab.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Digniin Adag u Diray Puntland iyo Dowlada Federalka Soomaaliya kana Hadlay Xaalada Laasacaanood
Next articleWAR DEG DEG AH: Qaraxyo Culus oo Saakay ka Dhacay Degmada Maxaas oo Dhawaan Alshabaab laga Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here