Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Maxkamada Racfaanka oo Xukunkii Sayid Cali Ku Dhawaaqay

War Deg Deg ah: Maxkamada Racfaanka oo Xukunkii Sayid Cali Ku Dhawaaqay

0

Maxakamada Racfaanka Gobalka Banaadir oo La filaayay inay Maantay Ku Dhawaaqdo Go,aanka Sayid Cali Macalin Daauud oo Loo Haysto inuu Gubay Xaaskiisa ayaa Goordhow Lagu Dhawaaqay.

Maxkamada Racfaanka Gobalka Banaadir ayaa Sayid Cali Macalin Daauud Ku Xukuntay Dil Toogasha ah Taas oo Qisaastii Xaaskiisa luul cabdi casiis kuna raacday Maxkamadii hore ee  Sayidcali Macalin daauud horay ugu xukuntay Dil Toogasha ah.

Sayid Cali Macalin Daauud ayaa Horay Maxkamada Gobalka Banaadir Ugu Xukuntay Dil Tooogasha ah Taas oo Garyaqaanada Difaacaayay ay Racfaan ka qaateen Maxkamada Racfaanka ayaana Mudo Afar jeer ah ka Fariisatay Kiiska Sayid Cali oo maantay ay soo Gabagabaysay.

luul Cabdicasiis oo Mudo ku dhow Bil Qaboojiye Ku jirtay ayaa Ugu Danbayn La,aasay Kadib Markii Sayid Cali Macalin Daauud Lagu Xukumay Dil Toogasha ah

Ad
Previous articleAlshabaab ku Suganaa Galgaduud oo Duqaymo Culus Lala Dhacay iyo Howlgal Xoogan oo socda
Next articleAskar Ka TIrsan Dowlada oo Markale Maantay Toogasho ka Gaystay Muqdisho