Home Wararka Maanta Alshabaab ku Suganaa Galgaduud oo Duqaymo Culus Lala Dhacay iyo Howlgal Xoogan...

Alshabaab ku Suganaa Galgaduud oo Duqaymo Culus Lala Dhacay iyo Howlgal Xoogan oo socda

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo xalay ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe,  kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaanka Cali Hayle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana lala eegtay gaari ciidan oo ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale duqeynta labaad deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxaana lala eegtay gaari booyad ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale waxaa isla goobtaas lagu dilay maleeshiyaad ilaalo ka hayay gaariga booyadda ah ee ma qarxiyay.

“Taliska Ciidanka XDS waxuu xaqiijiyay in duqeyntii Cali hayle lagu gubay gaari booyad ah waxaana lagu dilay maleeshiyaad ilaala ah u ahaa gaariga, duqeynta labaad ee ka dhacday xalay deegaanka Baraag sheikh Caamir waxaa sidoo kale lala beegsaday gaari Cabdi bila ah oo ku sugnaa halka loo yaqaano agagaarka Hareeriga jimcaale Maxamuud Daa’uud” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan duqeymahaas ee ay guusha ka sheegatay Al-Shabaab.

Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxaa kamid ah gobollada furinta ah oo ay ka socdaan howlgallada xoreynta ah ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Ad
Previous articleNin in ka badan 25 sano la weysanaa oo la helay isagoo ku afduuban guri dariskiisa ah
Next articleWar Deg Deg ah: Maxkamada Racfaanka oo Xukunkii Sayid Cali Ku Dhawaaqay