Maxkamadda Rafcaanka ee G/Banaadir ayaa la filayaa in maanta markii 2-aad ay dhageysatay kiiska dacwadda ah ee ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in xaaskiisa uu ku gubay magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa faray Xeer Ilaaliye ku xigeenka dacwadda ku Metalaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka in uu keeno Cadeymo Dheeraad ah, sida Guriga uu dabka Kacay, Dadkii gargaarka u fidiyay iyo Dhaqtarkii daweeyay Marxuumad Luul Cabdicasiis.
Maxkamadda ayaa todobaadyo ka hor la horkeenay eedeysanaha kadib markii uu rafcaan kasoo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday maxkamadda G/Banaadir.
Ad