Home Wararka Maanta Xamaas Iyo Israail Oo Heshiis Xabadjoojin Ku Gaaraya Qaahira

Xamaas Iyo Israail Oo Heshiis Xabadjoojin Ku Gaaraya Qaahira

0

Rajada laga qabo xabbad joojinta Gaza ayaa sare u kacday maanta, iyadoo wafdi ka socda Xamaas ay gaareen Qaahira, si ay u sii wadaan wadahadallada tooska ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii hindise cusub oo la sheegay in Israa’iil ay aqbashay, kaasoo ah in la joojiyo dagaalka muddo 40-ka maalmood ah, lana is dhaafsado la haystayaasha iyo Maxaabiista Falastiiniyiinta.

Dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Maraykanka ayaa maalmihii la soo dhaafay soo sheegayay calaamado muujinaya in la isku tanaasuli karo, sidoo kale shabakadda wararka ee Al-Qaheera ayaa Sabtidii sheegtay in is afgarad laga gaaray wadahadalladii dadban ee qodobo badan lagu muransanaa balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Tedros Adhanom Ghebreyesus, agaasimaha guud ee WHO, ayaa ka digay jimcihii in hawlgal militari oo buuxa oo ka socda Rafah “ay keeni karto dhiig-bax, oo ay sii wiiqdo nidaam caafimaad oo horey u jabay”.

Xamaas waxay qabsatay ilaa 250 la haystayaal ah intii lagu jiray weerarkii lama filaanka ahaa ee lagu qaaday koonfurta Israa’iil bishii Oktoobar ee sannadkii hore ee dagaalka dhaliyay. Ilaa kala bar ayaa wali lagu hayaa Gaza, iyadoo dad badan loo malaynayo inay ku sugan yihiin ama ku hoos jiraan Rafah.

Ilaa 1,200 ayaa ku dhintay weerarka Xamaas ee Oktoobar, oo u badnaa rayid. In ka badan 34,600 ayaa ku dhintay Qaza, oo u badan haween iyo carruur kadib duqeymo ay ciidamada Israail ka geysteen halkaas.

Duqeyntii ugu dambeysay ee maanta ay ciidamada Israa’il ka geysteen Qaza ayaa waxaa ku dhintey lix ruux. 24kii saac ee ugu dambeeyay meydadka illaa 32 ruux ayaa laga diiwaangeliyay Qaza.

Ad
Previous articleMaxkamada Racfaanka Oo Mar Kale Dhageysaneyso Kiiska Dilka Ee Loo Heysto Sayid Cal
Next articleWar deg Deg ah: Maxakamada Racfaanka Gobalka Banaadir oo kiiskii Sayid kasoo Saartay Amar layaab leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here