Waxaa Magaalada Jowhar Goordhayd Gaaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafdi uu Hogaaminaayo waxaana Garoonka Kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe Safarkaan ayaa ahaa Mid Degdeg ahaa oo aan Horay loosii Shaacin.
warar Hordhac ah ayaa Sheegaya in Safarka Madaxweyne Xasan Shiiku uu kuwajahanyahayn xal u helida Khilaafka Halakaysan ee u dhaxeeya Madaxweyne guudlaawe iyo Cali jayte oo Ku dhawaaqday Maamulka Hiiraan state Xoogna Ku haysta inta Badan Gobalka Hiiraan.
Khilaafkaan ayaa yimid kadib markii Cali Guudlaawe uu Xilka Ka qaaday Cali jayte oo ahaa gudoomiyihii Gobalka Hiiraan Cali jayte ayaana kacarooday Xilka Ka qaadistaas ayaa shaaciyay inay ka go,een Maamulka Hirshabeele oo ay Horay ugu Dulmanayeen.
Gaadiidlayda ka shaqeeya Hiiraan ayaa Todobaadkaan joojiyay inay shaqeeyaaan kadib lacaga farabadan oo lagu soo rogay gudoomiyaha cusub ee hirshabeele ayaa la sheegay inuu lacago ka qaado gadiidka ku safraaya hiiraan halka maamulka cali jaytana ay qaadaan lacag kale oo laga qaado gaadiidka kusafraaya Hiiran