Home Wararka Somaliya War deg deg Ah: General Nuur Galaal oo la Xaqiijiyay in uu...

War deg deg Ah: General Nuur Galaal oo la Xaqiijiyay in uu ku dhigtay Weerarkii Hotel Afriik

0

Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa wali isku dayaya in ay soo afjaraan weerarka dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab galabta ku galeen hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Weerarka lagu qaaday hotelka Afrik oo kamid ah hoteelada ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa lagu dilay saraakiil ,odayaal iyo dad kale oo shacab ah oo ku sugnaa gudaha Hotelka xiliga uu weerarku dhacayay.

Saraakiil katirsan ciidanka dowlada oo Caawa gudaha u galay hotelka Afrik ayaa xaqiijiyay geerida Jeneraal Galaal , waxaa sidoo kale weerarka lagu dilay Nabadoon Cabdulaahi Nuure Siyaad iyo dad kale oo ku sugnaa Hotelka.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali shaacin khasaaraga ka dhashay weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka Afrik oo kuyaalay goob amaankeeda si weyn loo sugo kana soo horjeeda koontaroolka laga ilaaliyo garoonka Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay dadka weerarka Hotel Afrik lagu dilay waxaa kamid ah Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ah saraakiisha milatariga Soomaaliya kuwooda ugu caansan jagooyin kala duwana kasoo qabtay milatariga Soomaaliya.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug oo daahfuray Shatiyada Gaadiidka Dhulka Galmudug.
Next articleDowladda Soomaaliya oo War cusub kasoo saartay weerarkii Hotelka Afriik

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here