Magaaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka bilaabatay doorashada lix kamid ah 25-ka kursi ee taalla Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Kursigii ugu horreeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu noqday kursiga Hop#086 kaas oo uu ku guuleystay la taliyaha dhinaca amniga Qaranka ee Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Kursiga Hop#086 ayaa waxaa ku tartamay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo helay 70 Cod halka musharixii la tartamayay ee Janeraal Axmed Dayib Axmed uu helay 24 Cod.
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo