Home Wararka Somaliya Galmudug War Deg Deg ah: Dagaal culus oo Goordhow ka Qaraxay Duleedka Dhuusamareeb...

War Deg Deg ah: Dagaal culus oo Goordhow ka Qaraxay Duleedka Dhuusamareeb iyo Alshabaab Oo Hawada Kasaaray Isgaarsiinta

0

Dagaal culus ayaa ka socda deegaanka Ceel-Barafaange ee gobolka Galgaduud,waxaana uu u dhaxeeyaa dadka deegaanka iyo maleeshiyaad garab ka helaya ururka Alshabaab.

Isgaarsiinta ayaa hawada laga jaray inta uusan dagaalku bilaaban waxaana sidoo kale la maqlayaa hubka nuuciisa culus oo deegaanada fog fog laga soo warinayo.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa durba jirta walow aynaan tirada rasmiga ah helin,.

Dagaalkaan ayaana Qaraxay Kadib Markii Maleshiyaad kasoo Jeeda Beesha Cayr oo Roondo ku jiray ay La kulmeen kooxda Alshabaab kaas oo Dagaal Culus Haatan Kula Jira.

Maleeshiyaadka kasoo jeeeda Bessha Cayr ayaana Dhawaan Diiday in Gadiidka U socda Ceel lahelay iyo Ceelgaras ay Dhex Maraan Deeganadooda.

Meleshiyaadka Ceyr ayaana Ka Carooday Kadib Markii Maleeshiyaad kasoo Jeeda Beesha Duduble ay Dileen Macalin kasoo Jeeda Besha Cayr Kadibna Ay u Galeen Alshabaab.

Intaas kadib Maleshiyaadka Beesha Cayr ayaa Bilaabay inay Bililiqaystaan Gaadiidka Sahayda Uwada Ceel lahelay iyo Ceel Garas oo Alshabaab Maamulaan.

Dagaalkaan oo Wali soconaaya Lama Oga Khasaaraha Rasmiga Ah ee Ilaa Haatan Ka Dhashay.

Ad
Previous articleCiidamada Macawislayda Oo Markale Maantay Galgaduud Alshabaab ka Saaray Hubna Ka Furtaya
Next articleWar Deg Deg ah: Maxkamada Gobalka Banaadir oo Ku Dhawaaqday inay Danbi Ku Waysay…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here