Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Macawislayda Oo Markale Maantay Galgaduud Alshabaab ka Saaray Hubna Ka Furtaya

Ciidamada Macawislayda Oo Markale Maantay Galgaduud Alshabaab ka Saaray Hubna Ka Furtaya

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan bariga Galgaduud ku qaadeen Al-Shabaab, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, hub badana looga soo furtay.

Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Geerille oo u dhexeysa deegaanada Baraak Sheekh Caamir iyo Xuseen Cagey, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka.

Macawiisleyda ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo lagu jabiyay kooxda.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in khasaare culus ay gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, ayna kasoo furteen hub iyo saanad ciidan.

Muuqaal ay soo duubeen ciidanka howlgalka sameeyay ayaa lagu soo bandhigay hubka laga soo furtay Al-Shabaab oo uu ku jiray qoray AK47 ah, kaas oo lagu wareejiyay isla ninkii kasoo furtay kooxda Al-Shabaab, taas oo lagu sheegay mid lagu dhiirogelinayo.

“Macawiisleyda joogta bariga gobolka Galgaduud saas inay u dirirto ayaan rabaa shaqo wacan, qoraygaana adaa iska leh” ayuu yiri sarkaal ka hadlay goobta.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ad
Previous articleMaxkamadda ICJ oo soo saartay amar culus oo ka dhan ah ISRAEL
Next articleWar Deg Deg ah: Dagaal culus oo Goordhow ka Qaraxay Duleedka Dhuusamareeb iyo Alshabaab Oo Hawada Kasaaray Isgaarsiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here