Deeganka Alkowthar ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka mid ahaa xarumihii ugu waaweyna ee kooxda Al-shabaab ayaa waxaa goordhow si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo Xooggaga deegaanka {Macawisley}.
Taliyaha Ciidanka xoogga General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay qabashada Al-kowthar waxaana uu intaas ku daray in looga daba tagayo goobaha ay u carareen.
Al-kowthar ayaa ka tirsan degmada Aadan Yabaal waa deegaankii kooxdu markii laga saaray degmada Aadan Yabaal ay isku aruursanayeen hase yeeshee waa looga daba tagay oo hadda waxaa ay ka mid tahay dhulka xorta ah ee harka dowladnimada dareemaya maanta.
Ad