Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan...

War Deg Deg Ah: Ciidamada Nabadsugida Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan ku Dhiiglihii Dilay Luul Cabdicasiis

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

Maanta ayaa gacanta lagu dhigay Rag daawo u waday eedeysanaha oo xaaskiisa ku gubay Muqdisho.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xaalad caafimad daro soo wajahday eedeysanaha oo gacan ka dhaawacan.

Dowlada Soomaaliya ayaana Si Toos ah u Shaacisay in Gacanta Lagu Soo Dhigay Sayid Cali oo Ku Dhuumaalaysanaayay Tuulo ka Tirsan Gobalka Mudug oo uu Cararay

Ad