Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Ahlu-sunna oo Codsatay Fursad in la siiyo si...

War Deg Deg Ah: Ahlu-sunna oo Codsatay Fursad in la siiyo si Magaalada Uga Baxaan

0

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo dhinaca Waqooyi ee magaaladaasi gaar ahaan halka loo yaqaan Jaamacada ay ku aruureen xoogaga daacada u ah Ahlu Sunna.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gor Gor iyo Haramcad ayaa dagaal adag kula jira xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan Guriceel, waxaa sidoo kale madaafiic culus ciidamada ku garaacayaan aaga ay ku aruureen Ahlu Sunna.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hogaanka Ahlu Sunna ee kala ah Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir codsadeen in xabada laga joojiyo lana siiyo fursad ay magaalada Guriceel uga baxaan kuna qaataana dhaawacyada .

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa la sheegay in xiriiro la sameeyeen Senataro katirsan Aqalka Sare, Saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada iyo Galmudug oo ku kala sugan Muqdisho iyo Dhuusomareeb kuwaa ay ka codsadeen in xabada laga joojiyo .

Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ka biyo diidan yihiin in xabada laga joojiyo kooxda Ahlu Sunna ee dagaalka kala hor timid, waxa ayna ugu baaqeen Hogaanka Ahlu Sunna iyo ciidanka ay wataan in isa soo dhiibaan si naftooda loo bad baadiyo.

Ciidamada Daacada u ah Ahlu Sunna ayaa inta badan laga qabsaday magaalada Guriceel, waxa ayna isugu aruureen aaga Jaamacada ee kuyaala Waqooyiga Guriceel halkaas ay wali kula dagaalamayana ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug.

Waxaa socda dadaalo xal loogu raadinayo dagaalka ka socda magaalada Guriceel si xabada loo joojiyo, lamana oga in dowlada iyo Galmudug aqbalayaan in jid ay ku baxaan la siiyo hogaanka Ahlu Sunna iyo ciidanka ay wataan.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleMaamulka Degmada Cadaado oo Maalinta Birita ah iclaamiyay isu soobax, Hadaba Maxuu yahay
Next articleDeg Deg Taliyihii Haramcad ee Galmudug oo xalay la Magacaabay ayaa dhaawac soo gaaray