Deg Deg Taliyihii Haramcad ee Galmudug oo xalay la Magacaabay ayaa dhaawac soo gaaray

Laba xidigle Farxaan Beero oo ah Sarkaal ka Tirsan Haramcad ayaa ku dhaawacmay Dagaalka Gurceel ka soconaya waxaana la ii Sheegay in Xalay Loo Magacaabay Ku simaha Taliyaha Haramcad ee Galmudug, ka dib dhaawac shalay Soo gaaray Taliyaha Haramcad ee Galmudug Qasaaye.
Farxaan oo Maanta dhaawacmay Saacado yarna ahaa Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Galmudug ayaa Horay u ahaa Taliyihii Horinta 1aad ee Ciidamada Haramacad.
Muqdisho ayaana loo Soo qaaday dhaawaca Taliyaha Waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalka Ku yaala Muqdisho
shalay ayaa gurceel waxaa ku dhaawacmay Taliyihii Ciidamada Harmacd ee Galmudug Taliye Qasaaye

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*