Home Wararka Maanta War cusub oo kasoo kordhay Goobihii Shalay Dagaalka Qaraar ka Dhacay ee...

War cusub oo kasoo kordhay Goobihii Shalay Dagaalka Qaraar ka Dhacay ee Galmudug

0

Xaalada Deegaanadii uu Dagaalku ka Dhacay Shalay oo Maanta Dagan.

Shalay Deegaano udhaxeeyo Deegaanka Hulkujir iyo degmada Xeraalle waxaa ka dhacay Dagaal udhaxeeyo Labo Maleeshiyo Beeleed kaas oo sababay Qasaarre iskugu Jiro Dhimasho iyo Dhaawac leh oo soo Kala Gaaray Dhimacyada dagalamay Dhulkan Miyiga ah.

Ugu Yaraan Sideed Qof oo ah Dhinacyada Dagaalamay ayaa ku Dhintay Dagaalka waxaa Qasaaraha Dhaawacoodu oo kor udhaafay 15 Qof oo ah Dhinacyada Dagaalamay

Ciidamada amniga Waqooyiga Galgaduud oo Ku Baxay deegaanadii uu Dagaal Ka dhacay ee u dhaxeeyo Hulkujir iyo Qalanqalle oo kawada Tirsan gobalkan Galgaduud ayaa Ku Guulaystay in ay Kala dhex Galaan Labadii Maleeshiyo oo Shalay Dagaal Dhexmaray.

Saraakiisha Amniga ayaa Sheegey in ay Ku Guulaysteen Kala Qaadista Maleeshiyaadkii Dagaalamay Xaalkuna maanta Yahay Mid Dagan.

Waxa ayna Sheegeen in ay Maleeshiyaadki Dagaalamay kala Geeyeen Deegaano kala Dheer ayna kala Dhex Dageen Ciidamadu amnigu.

Saraakiisha Amniga ayaa Ugu Baaqay In indheergarad deegaanadan iyo Siyaasiyiintuba ay ka Qayb qaataan isku soo dhawaynta ehelkan oo ay Dhankooda ka Qayb Noqdaan Maslaxada walalaahan ood wadaagta ah ee ay Dirirtu Dhexmartay Shalay.

Ad
Previous articleMidowga Yurub oo Itoobiya Kusoo Rogay Shuruud adag oo Itoobiyaanku ka Naxeen
Next articleTaliyihii Saldhiga Garoonka Adancadde oo Danbi lagu wayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here