Home Wararka Maanta Wafuud Culus oo Ku Qulqulaysa Magaalada Hobyo iyo Qoor Qoor oo Asna...

Wafuud Culus oo Ku Qulqulaysa Magaalada Hobyo iyo Qoor Qoor oo Asna Gaaray(Sawiro)

0

Magaala Xeebeedka Galmudug ayaa Maantay Ka Duwanayd Sidii ay ahaan Jirtay Hobyo ayaana Maantay Martigalisay Diyaarado Waday wafauud Culus Soodhawaynta qaybta koowaad ganacsatada maalgashiga dekada Hobyo ayaana Halkaas loogu sameeyey Saakay Subixii Hore.

Dhanka Kale Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya wafdi sare ayaa soo gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Wafdiga madaxweynaha ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee Dowladda Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.

Ad
Previous articleDowlada Denmark oo Sharci Adag oo ay ka Qayliyeen Dadka Dalkaas kasoo Saartay Gubista Kitaabka Quraanka
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh Oo Khuburo Milatari Oo Turki Ah Kulan Gaar Ah La Qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here