Home Wararka Maanta Wafdi Ka Socday Turkiga Oo Booqday Xerada Haramcad, Xili Howlgaladoodii Hoos Dhac...

Wafdi Ka Socday Turkiga Oo Booqday Xerada Haramcad, Xili Howlgaladoodii Hoos Dhac ku Yimid

0

Wafdi ka socday Booliiska Gaarka ee Ozil Harekat ee Dowladda Turkiga, ayaa shalay booqasho ku soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana ay kormeer ku tageen Xarunta Taliska Ciidanka gaarka ah Ee Haramcad.

Wafdifan ayaa Sidoo kale kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Ahmed Firin. Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliska Gobolka Banadir G/Le Sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Ciidamada Gaarka ah Haramcad Abdihamiid Abdullaahi Mohamed (Fanax).

Booqashada ay ku taageen xarunta Taliska Haramcad waxaa ku wehliyay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, waxaana Ujeedka safarkoodu ahaa kormeeridda iyo u kuurgalidda Ciidanka Booliiska Gaarka ah Ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto, si gaar ahna ay ula socoto howlgalladooda, waxaana ay ku dhiirrigeliyeen dadaalladooda iyo Doorka muuqda ee ay ku leeyihiin Sugidda Amniga Caasimadda.

Waftiga oo ka koobnaa 4 Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.

1-Selami TÜRKER Özel Harekat Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha özel Harekat).

2-Ali TÜREDİ Dış İlişkiler Daire Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha Arimaha Dibadda).

3-Turgay OLGUN Dış İlişkiler Daire Başkan Yardımcısı 2.Emniyet Müdürü (Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda).

4-Sıddık Mustafa ÜLGER Özel Harekat Başkanlığı Komiser (sarkalka özel harekat kamida). waxaana ay si gaar ah kulan ula yeesheeyn Taliyaha Ciidanka Boliska iyo Saraakiisha Ciidamada Haramcad oo ay ku bogaadiyeen howlgallada qorsheysan ee ay fuliyaan.

Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad iyo ciidanka Ozel Harekat ee Turkiga waxaa ka dhexeeya wada shaqayn ballaaran, waana ciidamo ay si gaar ah dowladda Turkigu ula socoto horumarkooda, taas ayaana keentay in booqasho ku soo gaaraan Muqdisho Saraakiisha ugu sarreeya ee Ozil Harakat.

Ad
Previous articleMaxaa Looga Hadlay Shirkii Maanta Ee Golaha Wasiirada?
Next articleOdayaashi ka tagay Muqdisho ee tagay Hargeysa oo ku Hungoobay Lakulanka Muuse Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here