Home Wararka Somaliya Somaliland Odayaashi ka tagay Muqdisho ee tagay Hargeysa oo ku Hungoobay Lakulanka Muuse...

Odayaashi ka tagay Muqdisho ee tagay Hargeysa oo ku Hungoobay Lakulanka Muuse Biixi

0

Waxaa magaalada Hargeysa muddo bil ah ku sugan odayaal magaalada Muqdisho uga yimid in ay dhex-dhexaadiyaan dinacyada isku haya magaalada Laascaanood.

Odoyaaashan ayaa sida muuqata si rasmi ah aan u bilaabin howlihii ay u yimaadeen inkastoo jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ay guddi u saartay arrintan.

Wafdigu waxa ay Hargeysa gaareen 25-kii bishii April, intii ay ku sugnaayeen waxa ay kulan la qaateen golaha wasiirrada iyo madax dhaqameedka Somaliland.

Waxa la sheegaa in ay weli ku jiraan dadaalada ay doonayaan in ku xalliyaan dagaalka ka socda magaalada Laascaanood balse aysan weli wax badan u qabsoomin.

Qorshaha ugu horreeya ee ay doonayaan ayaa ah in xabbad joojin ay ku dhawaaqaan labada dhinac balse taasi ay weli si rasmi ah u dhaqan geli la’dahay.

Ad
Previous articleWafdi Ka Socday Turkiga Oo Booqday Xerada Haramcad, Xili Howlgaladoodii Hoos Dhac ku Yimid
Next articleHub Qaraxyo iyo Rag Ka Tirsan Alshabaab oo lagu Qabtay Suuqa Bakaaraha(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here