Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Sida wararku sheegayaan, madaxweynaha ayaa u tagay dalkaasi sidii uu goob joog uga noqon lahaa xiritaanka Madasha Heritage oo maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka socotay, iyadoo mowduuca sanadan diirada lagu saaray ay eheyd is bedelada Cimilada iyo colaadaha Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doono shirka, taasoo uu ka soo qeyb galayaasha uga gadi doono dagaalka dowladda ay kula jirto Shabaab oo haatan guulo waa weyn laga gaaray.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Xasan Sheekh uu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay haatan is arag kooban uu dhexmaray oo kaliya.
Safarka Jabuuti ee madaxweyne Xasan ayaa noqonaya kii 3aad uu dalkaasi ku tago, waana safarkiisii 19aad uu dalka uga boxo tan iyo 15-kii May
Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda
Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.