Home Wararka Maanta Waare oo raali gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo ka...

Waare oo raali gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo ka hor uu ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Dadka Dhuusamareeb Daga

0

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa raali gelin ka bixiyey weerar afka ah oo maalmo ka hor uu ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, sidoo kale Waare ayaa raali geliyey dadka reer Dhuusamareeb oo qaarkood ay dhibsadeen hadal uu yiri.

Maxamed Cabdi Waare oo ah ergayga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha xasilinta ayaa markii uu ka laabtay safar uu ku tegay Dhuusamareeb wuxuu bixiyey wareysi uu kaga deyriyey sida uu u socda dagaalka Al-Shabaab, isagoo markaana beelaha Hawiye iyo wasiirka difaaca ku eedeeyey hagar iyo in dagaalka aysan daacad ka ahayn.

Madaxweyne hore Waare ayaa caawa arrimahaas ka bixiyey raali gelin buuxda, isagoo sheegay inay lasoo xiriireen malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo wasiirka gaashaandhigga uu ka dhashay.

Wuxuu sheegay inuu aad u ixtiraamo dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana uusan diyaar u aheyn inuu sababeeyo ama sii difaacdo hadalkiisii hore, isagoo si dabacsan u raali gareeyey odayaasha dhaqanka, malaaqyada beelaha Raxanweyn iyo cid kasta oo dhibsatay hadalkiisii.

Maxamed Cabdi Waare ayaa si aan ka gambasho laheyn Madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbaday in wasiirka gaashaandhigga oo markaas joogay furinta bariga Dhuusamareeb uusan Maxaas geynin, warkaas wuxuu Waare twitterkiisa ku qoray maalin ka hor intii uusan Madaxweyne Xasan Sheekh u safrin Maxaas.

Waare ayaa xiligaas Wasiirka ku eedeeyey in taliska xoogga iyo istaraatiijiyadda dagaalka Al-Shabaab uu carqaladeynayo, isagoo si cad u sheegay in Wasiir Jaamac uusan u qalmin wasaaradda Gaashaandhigga, safarkaas Madaxweynuhu ma waday wasiirka oo markaas joogay furinta xigta Dhuusamareeb.

Hadda Waare wuxuu cod dheer ku sheegay in hadalkaas uu raali gelin ka bixinayo, sidoo kale wuxuu raali gelin siiyey dadka reer Dhuusamareeb oo isla wareysigaas uu ku eedeeyey isagoo sheegay inay dagaalka ku fiirsanayaan Madaxweynaha.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada ee Gacanta Ku Dhigi lahaa Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo la Diyaariyay
Next articleDuqayn Culus oo ka socota Koonfurta Mudug iyo Alshabaab oo Dhul Howd ah laga Saari la,yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here