Home Wararka Maanta Antony Blinken”Waan Xadidaynaa Socdaalka Kuwa Carqaladeeya Doorashada Soomaaliya”

Antony Blinken”Waan Xadidaynaa Socdaalka Kuwa Carqaladeeya Doorashada Soomaaliya”

0

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka  Antony Blinken ayaa sheegay iney xayiraad dhinaca socdaalka ah saarayaan kuwa uu ku sheegay iney carqaladeynayaan hanaanka dimuqraadiyada Somalia .

Wasiirka ma sheegin Magacyada shaqsiyaadka la saarayo xanibaada balse waxaa uu xusay iney ka go’an tahay taageerida nabada iyo dimoqraadiyada Somalia.

“Waxaan xaddideynaa Socdaalka kuwa ku lugta leh wax u dhimista dimoqraadiyadda Soomaaliya. Caqiidada habka dimuqraadiyadda waxay leedahay cawaaqib” ayuu yiri Antony Blinken.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka  oo sii hadlaya ayaa yiri “Mareykanka wuxuu si xooggan u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dhinac.

Ad
Previous articleMadaxweyne QoorQoor oo Dib ugu laabtay Dhuusamareeb laguna Soo Dhaweeyey
Next articleGalmudug oo Shaacisay odayaasha Soo Xulaaya Ergada Dooranaysa 3Kursi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here