Home Wararka Maanta Antony Blinken”Waan Xadidaynaa Socdaalka Kuwa Carqaladeeya Doorashada Soomaaliya”

Antony Blinken”Waan Xadidaynaa Socdaalka Kuwa Carqaladeeya Doorashada Soomaaliya”

0

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka  Antony Blinken ayaa sheegay iney xayiraad dhinaca socdaalka ah saarayaan kuwa uu ku sheegay iney carqaladeynayaan hanaanka dimuqraadiyada Somalia .

Wasiirka ma sheegin Magacyada shaqsiyaadka la saarayo xanibaada balse waxaa uu xusay iney ka go’an tahay taageerida nabada iyo dimoqraadiyada Somalia.

“Waxaan xaddideynaa Socdaalka kuwa ku lugta leh wax u dhimista dimoqraadiyadda Soomaaliya. Caqiidada habka dimuqraadiyadda waxay leedahay cawaaqib” ayuu yiri Antony Blinken.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka  oo sii hadlaya ayaa yiri “Mareykanka wuxuu si xooggan u taageeraa dadka Soomaaliyeed, waxaana naga go’an inaan ka wada shaqeyno horumarinta dimuqraadiyadda iyo barwaaqada labada dhinac.

Ad