Home Wararka Maanta Waa Tuma Ikaraan Tahliil? Gabadhii Geerideeda La xaqiijiyay In AL Shabaab u...

Waa Tuma Ikaraan Tahliil? Gabadhii Geerideeda La xaqiijiyay In AL Shabaab u gacan Gashay kadibna dileen.

0

Ikraan bishii August sanadkii 1996-dii ayey ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxey ahayd 25 sano jir

Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay. Belgiumka iyo Turkiga ayey waxbarasho u aaday, kaddibna dalka ayey dib ugu soo laabtay.

Waxey khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Ikraan waxey 5 sano la shaqeeneysay hey’ada Nabad Sugida ee Nisa. Si gaar ah Fahad Yasin ayey la shaqeyn jirtay, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’adda Nabad Sugiga qaranka

Ikraan waxey Markii dambe ka shaqo bilowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.

Waxyar kadib waxey Turkiga ayey markale u aaday aqoon korarsi dhanka amniga ah, sida ay hooyadeed sheegtay.

Ikraan 26 June abaaro 8:03 subaxnimo ayaa gaari ay leeyihiin NISA lagu kaxeeyay.

Ikraan oo laptop wadata ayaa inta aan gaariga lagu kaxeyn waxaa laga soo wacay Xarunta Nisa, sida ay hooyadeed Qaali Maxamud sheegtay.

Maalintaas kadib Ikraan warkeeda waala waayay iyo meel ay jaan iyo cirib dhigtay. Lkn hooyadeed ayaa Tvyada u xaqiijisay in Fahad Yasiin uu soo wacay kadibna ku dhahay “gabdhaada wey nabad qabtaa ee mardhow ayey kula kulmeeysaa”

Caawa oo taariikhda tahay 2 September ayey Hey’ada Nabad sugida oo Fahad Yasin taliye u yahay waxey Tvga Qaranka u sheegeen in Ikraan Ay Dileen Al Shabaab kadib markii ay u gacan gashay.

Allah ha u naxariisto Ikraan Tahliil Oo geerideeda si weyn ugu naxeen umada Somaliyed. Fadlan u duceey Waa habeen Jimco soo galeeyso. Sidee u aragtaa dilkeeda ?

Ad
Previous articleC/raxmaan C shakuur “Qof kasta oo Dowladda u shaqeeya Alshabaab inay dilaan waa u Fududahay
Next articleXildhibaan Mahad salaad oo Qeexay Cidii dishay ikraan Tahliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here