Home Wararka Somaliya Galmudug Waa Sidee xaaladii ugu Danbaysay ee Magaalada Gaalkacyo?

Waa Sidee xaaladii ugu Danbaysay ee Magaalada Gaalkacyo?

0

Xogta Kursiga Hop95 ee xaalada dagaal geliyay magaalada Gaalkacyo

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa degan kadib xiisad ka dhalatay qaar ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Gaalkacyo.

Wadahadalo lagu xalinayo xiisadda ayaa socda, odayaasha deegaanka ayaana doonaya in magaaladda aysan wax dagaal ah ka dhicin Ciidamo hubeysan ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha iyagoo sidoo kale go’doomiyay guriga uu Magaalada ka degan yahay Madaxweyne Qoor-Qoor.

Xiisadda Gaalkacyo ayaa timid kadib markii Hogaamiyaha Galmudug dalbaday in siyaasi gaar ah loo xiro kursiga Numberkisu yahay HOP95.

Kursigan waxaa ku fadhiya Abdikariim Qaliif Dhalac kaas oo ka mid ahaa xubno ay Villa Somalia dooneyso iney kuraastooda difaacdaan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa balanqaaday in beeluhu ku tartami doonaan kursigan, laakiin xaalada ayaa isbadashay kadib markii uu shalay sheegay in 40 boqolkiiba isaga loo madax baneeyo taas oo ay ka biyo diideen musharaxiinta kursigan u taagan.

Jufooyinka iska leh kursigan ayaa doonaya in doorashadu noqoto mid furan isla markaana aanan shaqsi gooni ah loo xirin.

Kulamo saacado badan qaatay oo u socday odayaasha dhaqanka beelaha iska leh kursigaan HOP95 ayaa waxay madaxweyne qoor qoor ka dalbadeen in hadii uusan noqoneyn mid furan kursigaan in loo xiro Musharax Maxamud Kudun Xiimaa.

Gaalkacyo oo ah deegaan doorashadda labaad ee Galmudug ayaa waxaa yaal 11 kursi oo miisaan culus leh, inkastoo qaarkood la doortay hadana waxaa jira kuraas tartankoodu adkaa.

Qaali Shire ayaa kusoo baxday doorashadii ugu adkeyd iyadoo ka guuleysatay Musharaxii Villa Somalia Ubax Tahliil oo horey kursigan Ugu fadhisay, waxaana la filayaa in doorasho kale oo adag ay ka dhici karto Gaalkacyo gaar ahaan HOP95 oo ay isku hayaan Xildhibaan Dhalac iyo Musharax Kudun iyo HOP69 oo ay isku hayaan Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala iyo Xildhibaan Odawaa.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Mid kamid ah Xildhibaanada Cusub ee aan Wali la Dhaarin oo Meydkiisa lahelay Magaalada …
Next articleGaalkacyo oo laga diiday Qorshihii Madaxweyne Farmaajo, Xaalada Caawa iyo Doorashada la hakiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here