Home Wararka Somaliya Gaalkacyo oo laga diiday Qorshihii Madaxweyne Farmaajo, Xaalada Caawa iyo Doorashada la...

Gaalkacyo oo laga diiday Qorshihii Madaxweyne Farmaajo, Xaalada Caawa iyo Doorashada la hakiyay

0

Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Xiisad ka jirtay maanta ayaa Caawa waxaa wali laga dareemayaan isla xiisadaasi.

Xiisada oo ka dhalatay Kuraasta Barlamaanka Cusub ayaa ku aadan in Tartamayaasha si cadaalad ah loogu qabto Doorashada.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo taageero xoogan u ah dhanka Farmaajo ayaa doonayay in uu kuraasta qaarkood u xiro xubno taageersan.

Arintaasi waxaa kasoo horjeestay Shacabka Magaalada Gaalkacyo taasi oo keentay in Ciidan ka tirsan Galmudug kasoo horjeestaan qorshaha Dowlada.

Wararka ugu danbeeyay ee mudug24 heleyso ayaa sheegaya in xaalada wali tahay mid cakiran waxana dhici karta in doorashada dib u sii dhacdo.

Dhinacyada kasoo horjeeda Dowlada ayaa doonaya in si cadaalad ku dheehantahay loo qabto doorashada lakin qof gooni ah kursiga loo xirin.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xaalada hada ku adkaatay waxana hortaala in uu aqbalo codsiga shacabka Galmudug ee Gaalkacyo ama in arinta si kale noqoto tusaale in doorashada dhan la hakiyo ama in khilaaf xoogan uu dhexmaro madaxda Galmudug.

lasoco waxa soo kordha

Ad
Previous articleWaa Sidee xaaladii ugu Danbaysay ee Magaalada Gaalkacyo?
Next articleWar Deg Deg Ah:- Xiisada Gaalkacyo oo Xal Hordhac ah laga gaaray, Ciidanka oo ku Laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here