Home Wararka Maanta Waa Sidee Xaalada Ceelbuur oo Duulaan Culus ku Wajahanyahay?

Waa Sidee Xaalada Ceelbuur oo Duulaan Culus ku Wajahanyahay?

0

Wararka ka imaanaya magaalada Ceelbuur ayaa sheegaya in xaalad baqdin ah ay ka taagan tahay magaaladaasi, tani oo ka dhalatay arrimo isbiirsaday.

Dadka reer Ceelbuur oo markii horeba ka walaacsanaa in waxyeelo ka soo gaarto gulufka ballaaran ee ciidamada ku soo yihiin magaaladaasi ayaa waxaa ugu darsamay maleeshiyada Al-Shabaab, oo waxgaradka deegaanka ka dalbaday inay keenaan dhallinyaro xoog leh oo magaalada ka difaaca waxa ay ku sheegeen cadowga.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo Isniintii la kulmay waxgaradka deegaanka ay khasab kaga dhigeen inay keenaan dhallinyaro difaacda magaalada, iyagoo tusaalayay in Ciidamada Dowladda Federaalkaba ay la socdaan maleeshiyaad deegaanka ah oo doonaya in ay la dagaalamaan dagaal-yahanadooda.

Waxgaradka deegaanka ayaa la sheegay inay horjoogeyaasha Al-Shabaab u sheegeen inaanay suurtagal ahayn in dhallinyaro aan tababar lahayn loo adeegsado dagaalka.

Hase yeeshee horjoogeyaasha Shabaabka ayaa la sheegay in ay waxgaradkaasi ku baqdin geliyeen, haddii aanay kala shaqayn difaaca magaalada ay u arki doonaan kuwo la safan colka ku soo fool leh magaalada.

Arrinta kale ee baqdinta ku kordhisay dadka reer Ceelbuur ayaa ah guuxa diyaaradaha dagaalka ee tan iyo shalay laga maqlayay magaaladaasi iyo deegaanada hoostagga.

Ciidamada iyo xoogaga deegaanka ee lagu diyaariyay magaalada Dhuusamareeb iyo hareeraheeda ayaa la sheegaya in maalmaha ina soo aaddan ay ku wajahan yihiin magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Ciidan kale oo deegaanka ah oo loogu talagalay in ay ka qayb qaataan hawlgalka lagu qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa la sheegay in Isniintii ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, isla-markaana ay ku sii jeedaan jiidda bari ee Gobolka Galgaduud.

Tani ayay Shabaabka uga dhigan tahay laba kala daran mid dooro, waa midee inay dagaalamaan oo dagaalka ay ku la’daan iyo midda kale oo ah in ay isaga baxaan magaaladaasi, oo sidaasi ay Ceelbuur ku waayaan.

Shabaabka ayaa Ceelbuur ku leh saldhigooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe, ka dib markii horaantii sanadkan ay gacantoodu ka baxday Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug ayaa 16-kii bishii January la wareegay magaaladaasi.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in si weyn loogu diyaargaroobay hawlgalka militari ee kooxaha argagixisada looga saarayo Ceelbuur.

Bulshada Gobolada Dhexe iyo Soomaalida inteeda kale ayaa si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyadan ka soo cusboonaaday bartamaha dalka.

Ad
Previous articleMaamulka Puntland oo eedayn Culus u jeedisay Dowlada Federaalka soomaaliya
Next articleItoobiya oo Markale Dagaal culus Gudaheeda Ka Qarxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here