Home Wararka Maanta Itoobiya oo Markale Dagaal culus Gudaheeda Ka Qarxay

Itoobiya oo Markale Dagaal culus Gudaheeda Ka Qarxay

0

Markii dowladda Itoobiya iyo xoogaggii TPLF ee gobolka Tigray ay ku heshiiyeen bishii Nofembar ee sannadkii hore inay soo afjaraan khilaafkooda, diblamaasiyiinta ayaa heshiiskaas nabadda ku tilmaamay waa cusub oo u beryay waddanka labaad ee ugu dadka badan Afrika.

Qaar badan oo ka mid ah dadka gobolka Axmaarada, oo ay dariska yihiin Tigray, isla markaana taageera siiyay ciidamada federaalka xilligii dagaalka Tigray, ayaa heshiiskan u arka mid dhabar ka toogasho ah, oo ku guuldaraystay inuu wax ka qabto welwelka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay dagaal kale.

Sagaal bilood kadib, saadaashaasi waxay u egtahay inay rumoobayso. Dagaal aad u ba’an ayaa toddobaadkii hore ka dhacay gudaha Axmaarada, kaas oo u dhexeeyay maleeshiyada Fano ee deegaanka iyo ciidamada federaalka, waxayna taasi keentay in dowladu ay soo rogtay xaalad degdeg ah, isla markaana ay ciidamo kusoo daad gurayso jiidaha hore ee dagaalka.

Fano waa maleeshiyo aan rasmi ahayn oo aan lahayn haykal talis oo si guud loo yaqaan.

“Fano oo taageero ka helaysa beeralayda iyo shacabka Axmaarada waxa ay isku dayi doonaan inay ka adkaadaan ciidamada ammaanka federaalka iyo isbahaysigooda, ugu danbayna waxa ay xilka ka xayuubinayaan Abiy” sidaa waxa yiri Tewodrose Tirfe oo ah gudoomiyaha ururka Amxaarada ee Maraykanka oo u ololeeya danaha Fano.

Temesgen Tiruneh, oo ah madaxa sirdoonka Itoobiya, masuulna ka ah dhaqangelinta xaaladda degdegga ah, ayaa sheegay in hadafka Fano uu yahay “inay xoog ku afgembiyaan dowlad deegaanka Amxaaradaa, kadibna ay usoo jeestaan nidaamka federaalka.”

Dagaalkii labada sano socday ee Tigray wuxuu geystay burbur, waxaana ku dhintay tobannaan kun oo qof. Waxaa ka qeybgalay ciidamo ka socday dalka ay deriska yihiin ee Eritrea, waxayna ku khasabtay tobannaan kun inay u qaxaan bariga Suudaan.

Dagaalkaas, ciidamada federaalku waxay ku wajaheen dagaal-yahanno aad u adag oo daacad u ah xisbiga talada haya ee Tigray, kuwaas oo mar qura boqollaal kiilo mitir usoo jirsaday dhanka caasimadda Addis Ababa.

In kasta oo Fano aysan ahayn mid si fiican u qalabaysan ama aanu u habaysanayn, haddana waxa ay si weyn u halis gelin kartaa dawladda, haddii halgankeedu uu helo taageero ballaaran, sida ay sheegeen falanqeeyeshaashu.

Axmaarada ayaa ah gobolka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, waxaana ku nool in ka badan saddex laab dadka Tigrayga, waxaana qaybo ka mid ah Amxaarada ay magaalada Addis Ababa u jirtaa 50 km oo keliya.

“Xukuumadda Abiy uma badna inay ka badbaado kacdoonka joogtada ah ee ka socda gobolka Axmaarada, gaar ahaan marka la eego dhibaatooyinka siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee sii kordhaya ee dalka,” ayuu yiri Addisu Lashitew, oo ka tirsan Machadka Brookings.

Ad
Previous articleWaa Sidee Xaalada Ceelbuur oo Duulaan Culus ku Wajahanyahay?
Next articleMaxamed Coloow Maxamed oo oo isku soo dhiibay guutada Khaalid Bin-Waliid ee Ku Sugan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here