Home Wararka Maanta Waa Sidee Amaanka Garoonka adan Cadde kadib Digniintii ka Timid Maraykanka?

Waa Sidee Amaanka Garoonka adan Cadde kadib Digniintii ka Timid Maraykanka?

0

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay si weyn u adkeeyay ammaanka qeybo badan oo muhiim ah oo katirsan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo baxeen digniino la xariira weeraro argagaxiso oo dhici kara.

Qoraal shalay kasoo baxay safaaradda dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay in ay jiraan qataro amni oo ka jira qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareynkanka ayaana sheegtay in ay heshay xoggo amni oo ku saabsan halis dhinaca ammaanka ah oo ku wajahan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo goobo kale oo kuyaalla magaalada Muqdisho.

Ciidamo xoojin ah ayaa la dhigay garoonka diyaaradaha Aaddan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah saakay loo baarayaa gaadiidka garoonka galaya iyo ciidamada la socda, iyadoona baarista sidii hore ay ka duwan tahay.

Dowladda ayaa sidoo kale adkeesay ammaanka goobo kale ay suurto gal tahay in la weeraro, waxaana qeybo badan oo magaalada ah lagu daadiyay sirdoon dharcad ah kuwaa oo dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka si hoose ula soconaya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana muddooyinkii lasoo dhaafay soo hagaagayay, inkastoo mararka qaar weeraro dhacaan, waxaana xalay magaalada qeybo kamid ah laga maqlayay madaafiic la sheegay in kooxda Al Shabaab kusoo tuureen.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Gadiidkii Ugu Horeeyey ku wareejisay maamulka Khaatumo State
Next articleTurkiga oo Qaaday Talaabo Culus oo ka Dhan ah Israil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here