Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo Gadiidkii Ugu Horeeyey ku wareejisay maamulka Khaatumo State

Dowladda Soomaaliya oo Gadiidkii Ugu Horeeyey ku wareejisay maamulka Khaatumo State

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Cali Xaaji Haji Aden ayaa Gaari qalabeysan oo naaca gargaarka deg dega ah (ambulance) ku wareejiyey Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar Faahiye oo ka wakiil ah Isbitaalka Casuura ee deegaanka Yagoori ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gaarigan qalabaysan uu wax wayn ka tari doono qeybta Caafimaadka deegaanka Yagoori ee maamulka SSC-Khaatuma, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankeeda Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar ayaa ka mahadcelisey Gaadiidka lagu wareejiyey waxa ayna tilmaamtey in loogu adeegi doona dadka deegaanka yagoori iyo deegaanada ku xeeran si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada ku nool deegaanadaasi.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe iyo Xasan shiikh oo Kala Fogaaday Maxaa Sababay?
Next articleWaa Sidee Amaanka Garoonka adan Cadde kadib Digniintii ka Timid Maraykanka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here