Home Wararka Maanta Waa Maxay Ergayga Cusub oo Dowladda Qadar usoo Dirayso Soomaaliya

Waa Maxay Ergayga Cusub oo Dowladda Qadar usoo Dirayso Soomaaliya

0

Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro caasimada dalka ee Muqdisho.

Ujeedada ergeygan oo aan is rasmi ah loo shaacin ayaa lagu macneeyay inay tahay sidii uu dhexdhexaadin uga geysan lahaa khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Dowlada Qadar ayaa xiriir wanaagsan la leh dowlada Soomaaliya waxaana mashaariic badan ay ka hirgelisay dalka Soomaaliya.

Dadka arrimaha siyaasada lafagura ayaa sheegaya in ergeygan uu isk udayi doono sidii uu u xalin lahaa mashaakilka ka jira arrimaha doorashooyinka.

Ergeygan oo ah nin waayarag ku ah dhexdhexaadinta khilaafyada ayaa hore uga soo shaqeeyay sidii loo xalin lahaa khilafka dowlada Maraykanka iyo ururka Daalibaan ee dalka Afghanistan,waxayna qaramada midoobay u aqoonsatay dhexdhexaadiyaha ugu wanaagsan caalamka sanadkii 2020.

Dowlada Qadar ayaa dhowaan beenisay in lacag gaar ah ay siiso dowlada Soomaaliya gaar ahan taliyaha nabadsugida Fahad Yaasiin oo xiriir dhow la leh dowlada Qadar.

Booqashada ergeygan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xilli xasaasi ah ay marayso siyaasada dalka Soomaaliya.

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDab xoogan ayaa Qabsaday Goob Ganacsi uu ku Taala Muqdisho (Sawiro)
Next articleTarsan oo Farmaajo ugu baaqay in uu maanta iska casilo Xilka uu hayo