Home Wararka Somaliya Somaliland Waa kuwee dekadaha Soomaalida ku yaala badda cas ee Itoobiya u hanqal...

Waa kuwee dekadaha Soomaalida ku yaala badda cas ee Itoobiya u hanqal taageyso inay la wareegto?

0

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya wuxuu todobaadkii hore ka hadlay baahida dalkiisu u qabo inuu helo deked saaran badda cas.

Hadalkaas wuxuu u jeedinayey baarlamaanka, wuxuuna intaa ku daray in “shacab 150 malyan oo qof ah aysan ku noolaan karin xabsi juquraafiyeed” isagoo ula jeeday in aysan bad heli karin ay wax kala soo degaan.

Siyaabo kala duwan oo micnaha guud uu yahay in Itoobiya ay doonayso inay deked ka hesho badda cas ayaa loo fasiray.

Haddaba waa kuwee dekedaha la dhihi karo Itoobiya way doonaysaa ee saaran badda cas?

Berbera

Dekedda Berbera waxay taariikhiyan ahayd saldhig ciidan oo ay lahayd dawladdii Soomaaliya.

Horraantii 60-meeyadii waxaa tas-hiilaadki dekedda hagaajiyey Soofiyeetka, waxaaana sannadihii dambe sii balaariyey Maraykanka oo isticmaalayey, ka dib markii xiriir aad u dhow ay Soomaaliya la samaysatay Maraykanka.

Burburkii Soomaaliya ka dib waxaa maamulayey dekedaas Somaliland oo ku dhawaaqday gooni isu taag.

Itoobiya waxay 2018 kii heshiis la gashay Somaliland kaasoo u saamaxayey inay 19% ku yeelanayso dekedda. 30% waxaa yeeshay Somaliland, halka DP world ay yeelatay 51%.

Laakinse Itoobiya waxay weyday qaybtii ay ku lahayd ka dib markii sida la sheegay ay ka soo bixi weyday shuruudihii u saamaxayey inay qayb yeelato.

Seylac

Taariikh ahaan, sida ku xusan buugga Ethiopia in movement ee uu qoray Samuel Negash, Itoobiya waxay xiriir dhanka isticmaalka dekedaha ah la lahayd Seylac wixii ka dambeeyey 1880 kii. Badeecadaha aadi jiray Jimma, Kaffa iyo dhulka Guraagaha waxay uga soo degi jireen Seylac.

Qarnigii 14aad ayey ahayd markii Seylac ay ahayd dekedda ugu dhaqdhaqaaqa badan gobolka, waxaana badeecadaha laga dhoofiyo iyo kuwa laga soo dejiyo ka mid ahaa maydiga, beeyada, dahabka iyo qalinka.

Xilliyadii dambe markii ay soo bexeen Dekedaha magaalooyinka Tajura, Obokh iyo Berbera ayaa waxaa yaraaday muhiimaddii ay lahayd dekedda Seylac.

Waxaa kale oo qayb ka ahaa in dekedda Seylac ay muhiimaddeeda yaraato xilligaas ayadoo aysan ku soo xiran karin maraakiibka waaweyn maadaama dhagxaan ay leedahay oo aysan ku soo xiran karin doomaha culayskooda ka badan yahay 250 tan.

Boqor Menilik ayaa isku dayey dhowr goor inuu Ingiriiska iyo Talyaaniga kala hadlo in la siiyo Seylac, laakinse kuma guuleysan.

Istaraatiji ahaan Seylac waa meel u dhow Itoobiya marka la barbar dhigo dekedaha kale ee ay ku wada yaallaan badda cas. Taas waxay u sahlaysaa Itoobiya masaafada xagga dhulka ah inay uga kharash yaraato.

Ad
Previous articleBiden oo Shaaciyay Sababta uu Israail u Tageeray
Next articleArrimaha madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeyn jiray Farmaajo ee hadda isaga lagu haysto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here