Home Wararka Maanta Arrimaha madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeyn jiray Farmaajo ee hadda isaga lagu...

Arrimaha madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeyn jiray Farmaajo ee hadda isaga lagu haysto

0

Waqtigii ay jirtay xiisaddii ka dhalatay doorashooyinka Soomaaliya sanadkii 2021 kii, ayaa waxaa siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu kamid yahay madaxweyne Xassan Sheekh ku eedeeyeen dawladii uu hugaaminayya madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dib u dhaca doorashadii la soo dhaafay.

Siyaasiyiintaas ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu doonayay muddo kororsi, sidoo kalna talada maroorsaday.

Arrintaas ayaa hadal haynteedu sii badatay markii Golaha Shacabka ee Soomaaliya uu ansixiyay in laba sano ay sii joogi doonaan golayaasha dawladda, si loogu diyaar garoobo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Soomaaliya.

Hadaba maxay yihiin qodobada uu madaxweyne Xassan Sheekh horay ugu eedeeyay Farmaajo ee haatan isaga lagu haysto?

Muddo Kororsi

Doorashadii ugu dambeysay ee madaxweynenimo ee Soomaaliya, ayaa dhacday sanad kadib markii ay dhamaatay afartii sano ee ahayd muddo xileedkii loo doortay madaxweyne Farmaajo, inkasta oo dawladiisu sheegtay in Golaha Shacabka Soomaaliya ay ansixiyeen waqti dheeraad ah oo ay doorasho ku qabtaan.

Sanadkaas ayaa ah mid xiisad iyo xaalado cakiran ay ku jirtay siyaasadda Soomaaliya, taas oo keentay in mararka qaar gacan qaad uu dhexmaro ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwii mucaaradka ee xilligaas, oo uu kamid ahaa madaxweynaha haatan talada haya Xassan Sheekh Maxamuud.

Maxamuud ayaa ku eedeeyay xilliyo kala duwan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, inuu dabada ka waday mudo korosi.

“Wax mudo korosi la yiraahdo oo dalkaan ka dhacaaya ma jiro”, ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh, isaga oo khudbad u jeedinayay dad shacab ah ka hor inta uusan soo bixin go’aanka Golaha Shacabka.

“Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo waxaa la siiyay mudo xileed afar sano ah. Muddo xileedkii ay shacabka Soomaaliyeed ay dawladda siiyeen hadii uu dhamaaday, meelahaan luuqyada ahaan wax ka daydayaa, xaaraan waaye”.

Balse laba sano kadib madaxweyne Xasan Sheekh isaga ayaa ku fadhiya kursiga madaxtooyada Soomaaliya, waxaana siyaasiyiin Soomaaliyeed ay ku eedeynayaan isla arrintaas.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan gudoomiyeyaal baarlamaan oo hore, ra’iisul wasaarayaal hore iyo musharraxiin madaxweyne ayaa soo saaray war murtiyeed kadib kulan ay sheegeen inay wada qaateen.

“Waxaan ugu baaqaynaa Madaxwayne Xasan Sheekh Maxaamuud in aanu isku deyin muddo kordhin sharci darro ah, heer federaal iyo heer dowlad gobaleed dalkana dib ugu celin dariiqii mugdiga ahaa ee Alle naga soo samatabixiyay,” ayaa lagu yiri war murtiyeedkaas.

Kuma aysan cadeyn hadalkooda muddo kororsiga ay ka walwal qabaan inuu dhaco, balse waxa siyaasiyiinta qaarkood oo ay kamid yihiin kuwa musharrixiin u ah madaxweynenimo dawlad goboleed shegeen, in dawlad goboleedyada qaar ay joogaan waqtigii doorashooyinkooda la filayay inay dhacaan, balse ay cuskanayaan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay bilowgoii sanadkaan.

Xassan Sheekh oo marar kala duwan ka hadlay mudo kororsiga ayaa sheegay inuusan aaminsanayn, doorashooyinka Soomaaliyana xilligooda ku dhici doonaan.

La tashi la’aan

Hadii aan mar kale dib ugu noqono dhamaadkii muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo, xilliyo kala duwan ayuu madaxweyne Xassan Sheekh ku eedeeyay in madaxweyne Farmaajo uunan la tashan bulshada iyo siyaasiyiintaba.

“Talaan leenahay ra’yi ayaan qabnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh oo khudbad uu jeedinayay. “Marka ay dawladdu dadka waxa jira u sheegto, dadku ma qaldamayaan ee talo sax ah ayay dhiibayaan”

Hadalkaan ayuu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo ka hadlayay wadatashi la’aan uu ku eedeynayay madaxweyne Famaajo, xilli loo hanqal taagayay doorashooyin ka dhaca Soomaaliya.

Hadaba maanta siyaasiyiintan war muritiyeedka soo saaray oo qaarkood ay mucaarad isla ahaayeen madaxweyne Xassan Sheekh waagas ayaa sheegay inay ka digayaan talo aan bulshadu u dhamayn oo ay ku eedeeyeen in madaxweynuhu kaligiis qaadanayo.

Shirkii iyaga iyo madaxweynaha dhexmaray ee looga hadlay nuuca doorasho ee la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya, kadib go’aankii Golaha Wadatashiga ayay sheegeen in qodobo badan oo kaid ah wixii ay isku afgarteen uu madaxeynuhu dhinac maray.

“Haykalka dowladnimo ee hadda inoo dhisan waa heshiis ay galeen dadka Soomaaliyeed wax ka beddelkiisana ay muhiim tahay in laga qayb geliyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed loona maro dariiq Dastuuri ah”, ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa marar kala duwan intii uu xilka haya gaashaanka u daruuray dhamaan eedeymihii loo soo jeediyay mudadaas.

Ad
Previous articleWaa kuwee dekadaha Soomaalida ku yaala badda cas ee Itoobiya u hanqal taageyso inay la wareegto?
Next articleFarmaajo oo ka Horyimid Go,aan u Watay Madaxweyne Xasan Shiikh Taageerayna Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here